Poem said abdalla hasan [1]


 Xusenow1

 caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye

Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye

Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu kheyre

Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaayee

Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

Hawl kalana waa erey yaraan, kuu erganayaaye

Alla igama qaadoew adaan, kala illaawayne

Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

Ilaahi abuurba kuwii diiday, amarkiisa

Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay

Asxaabti dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, uga adeegaayey

Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey

Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aanaysatay

Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey

Oo Aw-Cabbaas2

 diley, dadkaan eedi kala gaarin

Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey

Oo Mililikh3

 aabbe u yehee, u arrin qaadaayo

Oo xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey

Afbakayle4

 nimankii wadee, nagu aseebaayey

Ee Oodagooyiyo5

 na dhigay, aydii Daratoole6

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey

Ragga ehelukheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey

Oo umal daraaddiis girliga, ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imaanaayey

Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey

Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig7

 wixii joogay

Ee Eerago8

 iyo Batalo9

, igu uquumeeyey

Ee omoska Beerdhiga10

 tukaha, igu ormaysiiyey

Nimankii ayaantii Gumburo11

, oboda ii dhiibay

Ardaashii Jidbaalle12

 i heshee, igu unuun goysay

Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

Nimankii adduunkeygii dhacay, ariyo geeliiba

Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay

Nimankaan Ilaahoow lahaa, eyda iga doono

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey

Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey

Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diray, naga ajoon waayey

Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey

Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Ninkii abaartii caleed, Bari na aadsiiyay

Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayay

Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay

Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay

Nimankii ujuurada cunee, iibkii ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin

Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine

Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiyee

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine

Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane

Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne

Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba

Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka liddoora

Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeyneynin

Amaan aniga la i oran karayn, tanu ahaan mayso

Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta.

Comments

Popular posts from this blog

Banking accounting involves recording.

mobile science

the science of pool structures